Warqad ay beesha caalamka soo saartay oo ay ku socota ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxweynayaasha maamul goboleedyada, guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayay marka hore ku sheegeen inay soo dhaweynayaan doorashadii aqalka sare ee dhawaan la soo gabagabeeyay.
Waxay sidookale sheegeen inay rajeynayaan in doorashada ugu dambeyn la soo gabagabeyn doono 24-ka bisha 12-aad ee sanadkan.
Safaaradaha Ingiriiska, Mareykanka iyo Norway ayaa warqadda ay wadajirka u soo saareen ku sheegay inay bixin doonaan lacag gaareysa 3.7 milyan oo doolar oo ay codsadeen xafiiska ra’iisalul wasaaraha iyo guddiga doorasho ee heer Federaal.
Hasa yeeshee, waxaa ay shuruudo ku xireen bixinta dhaqaalahaasi.
Shuruudahaasina waxaa kamid ah,
1. Doorashadu inay sii socoto islamarkaana ay ka dhacdo saddex maamul goboleed.
2. Waa in la dhameystiro laba meelood meel kuraasta dhammaan goobaha ay doorashadu ka dhaceyso.
3. In lacagaha diiwaangelinta xidhibaannada lagu soo shubo bangiga dhexe.
Waxay sidookale sheegeen inay hubinayaan qorshe caddeynaya in la hubiyo qoondada boqolkiiba sodonka ah ee dumarka.