Barayaasha culuunta caafimaadka ee jaamacadda Moi oo shaaciyay digniin shaqo joojin ah

0
612

Dhakhaatiirta jaamacadda Moi ka dhiga culuunta caafimaadka ayaa maanta soo saaray digniin ah inay 14 cisho ka dib ku dhaqaaqayaan shaqo joojin.
Waxay cabasho ka muujinayaan in maamulka jaamacadda uunan siin lacago gunnooyin ah.
Barayaasha ayaa dalbanaya in la siiyo gunnooyin sida ay sheegeen ka maqan laga soo billaabo bishii toddobaad ee sanadkii 2019-kii ilaa bishii saddexaad ee sanadkan.
Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr. Davji Atella ayaa warqad uu u qoray maamulka jaamacadda ku sheegay inay ku guul dareysteen xallinta tabashooyinka barayaasha oo soo jirtay muddo labo sano ah.
Bayaanka KMPDU waxaa ku cad in jaamacadda Moi ay u muuqato inaysan ka go’onayn soo afjaridda cabashadan.
Barayaasha ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya dallacsiin la’aan , shaqaalaha waaxda caafimaadka ee jaamacadda oo tiro ahaan yar iyo in aan lagu guulaysan saxiixidda heshiis u dhexeya jaamacadda iyo ururka KMPDU .
Hasa ahaate waxay sheegeen inay fursad siinayaan wada xaajood ka hor 28-ka bishan November oo wixii ka dambeeya ay guda galayaan shaqo joojinta.