Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo dalbanaya in doorashada lagu soo koobo hal magaalo

0
711

Waxaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kulamo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka ku yeeshay Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Jubbaland,waxaana kulamadaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland in ay isku afgarteen in doorashada Golaha Shacabka lagu soo koobo hal Magaalo, maadaama horay loogu heshiiyay in laba Magaalo lagu qabto
Xogaha la helayo ayaa sheegay in arrintaasi ay u sababeeyeen Amni-darro ay sheegeen inay ka jirto Magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarrey oo sida ay sheegeen aysan suurta-gal ahayn in doorashooyin lagu qabto.
Sidoo kale labada Madaxweyne oo xulafo gaar ah ayaa isku raacay in go’aankooda ay u gudbiyaan Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble oo u xilsaaran wadida arrimaha doorashooyinka si loo dardar geliyo Doorashada Golaha Shacabka oo gaabis ku jirta
Lama oga go’aannada ay qaadan doonaan Madaxweynayaasha, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo diyaariyay laba magaalo oo doorashooyinka ay ka dhici doonaan.