7 ka mid ah ilaalada xabsiga wayn ee Kamiti oo la xiray

0
426

Waxaa gacanta lagu dhigay toddobo sarkaal oo ka mid ah ciidamada ilaaliya xabsiga wayn ee Kamiti ka dib markii ay dhawaan halkaasi ka baxsadeen saddex maxaabiis ah.
Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haystay argagixisanimo ayaa lagu kala magacaabaa Musharaf Cabdalla, Maxamad Cali Abikar iyo Joseph Juma Odhiambo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr .Fred Matiangi ayaa bayaan ku sheegay in baaritaannada hor dhaca ah ay muujinayaan in habacsanaan iyo dayacaad mas’uuliyadeed ay fududeeyeen inay maxaabiista xabsiga ka cararaan.
Waxaa uu wasiirku wacad ku maray in saraakiil dheeraad ah la xiri doono si dacwad loogu soo oogo.
Galinkii dambe ee shalay ayay markii Dr.Matiang’i oo hoggaaminayo koox ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka uu tagay xabsiga Kamiti Maximum Prison isagoo ku dhawaaqay howlgal ballaaran oo lagu raadinaya shakhsiyaadka baxsadka ah.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in marka baaritaanada laga gudbo la xaqiijin doono in mustaqbalka laga hor tago in maxaabiis ay ka baxsato goobta loogu talagalay maadaama sida uu hadalka u dhigay tani ay khatar ku tahay badqabka shacabka.
Dr.Fred Matiang’i ayaa carrabka ku adkeeyay inay khasab tahay in lala xisaabtamo cidii aan gudan waajibaadkeeda ee saddexda qof gacan ku siisay inay baxsadaan.
Waxaa uu dhanka kale kenyaanka ku boorriyay in aynan wax cabsi ah muujin maadaama ciidamada ammaanka ay heegan sare ku jiraan oo ay ka hor tagayaan weerar kasta oo qorsheysan.
Wasiirka ayaa tilmaamay in baxsashada maxaabiista lagu wargeliyay laamaha ammaanka ee guud ahaan wadanka si gaar ah kuwa ku sugan meelaha dalka laga soo galo ama looga baxo.
Sidoo kale saddexda qof ayuu ku tilmaamay kuwo khatar ah isagoo dadweynaha u xaqiijiyay in la soo qaban doono.
Ilaa iyo hadda faahfaahin dhameystiran lagama hayo sida ay maxaabiista ugu suuragashay inay ka cararaan xabsiga Kamiti oo si wayn loo ilaaliyo.
Guddoomiyaha guud ee waaxda asluubta dalka Wycliffe Ogallo ayaa ka digay in maxaabiista baxsadka ah la martigeliyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay abaal marin lacageed oo dhan 60 milyan oo shilin u ballanqaaday cidii soo gudbiso xog fududeyn karto in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha.
Musharaf Cabdalla ayaa la xiray 30-kii bishii sagalaad ee sanadkii 2012-kii ka dib markii lagu eedeyay inuu ka qayb qaatay iskuday la doonayay in lagu weeraro dhismaha baarlamaanka dalka isagoo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inuu sitay hub iyo waxyaabaha qarxa.
Maxamad Cali Abikar ayaa isna la qabtay ka dib markii sida ay sheegeen laamaha ammaanka uu ka qayb qaatay weerarkii jaamacadda Garissa ee 2-dii bishii Afaraad ee sanadkii 2015-kii.
Joseph Juma Odhiambo waxaa la xiray 20-kii bishii 11-aad ee sanadkii 2019-kii ka dib markii lagu eedeyay inuu isku dayay inuu iska diiwaangeliyo kooxda Al-Shabaab.