Askari ka tirsan booliska dalka oo isku dilay Laikipia

0
616

Waxaa lagu soo warramayaa in sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ee dalka uu xalay isku dilay gurigiisa oo ku yaalla tuulada Karandi ee ismaamulka Laikipia.
Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Daniel Kibbara ayaa la sheegay in bastoolad u haystay madaxa isaga dhuftay taas oo keentay inuu geeriyoodo.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaare 11-kii habeenimo ee xalay.
Sida laga soo xigtay John Okello, oo ay deris ahaayeen sidoo kalena wada shaqeynayeen sarkaalka, ayaa waxa uu maqlay rasaas ka dhacaysay guriga Kibbara, iyadoo dhanka kale xaaskiisa qaylineysay.
Mr. John Okello ayaa markii uu tegay guriga uu arkay sarkaalka oo dhulka jiifa oo afkiisa uu ka qulqulaya dhiig islamarkaana ay bastoolad agtiisa taalay.
Waxaa uu intaa ku daray in saldhig boolis ee ka ag dhawaa uu dhacdadan ku wargeliyay.
Saraakiisaha booliska ayaa goobta kasoo helay bastoolad iyo 13 rasaas.
Meydka saarkaalka ayaa loo qaaday goobta meydadka la dhigo ee Isbitaalka wayn ee magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia.