Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa galabta magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya kulamo gaar kula qaatay madaxda ugu sarreysa dalkaasi oo ay ugu horreeysa madaxweyne Sahle-Work Zewde iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmad.
Mr. Kenyatta ayaa maanta safar ku tagay wadanka Itoobiya waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Wargeyska the Standard oo ka soo baxo gudaha wadanka ayaa ku warramaya in afhayeenka madaxtooyada dalka Kanze Dena Mararo ay ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso safarka madaxweynaha uu ugu ambabaxay Itoobiya.
Dr.Abiy ayaa qoraal uu saacado ka hor soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inuu Kenyatta ku soo dhaweynayo hooygiisa labaad.
Socdaalka hoggaamiyaha dalka ee magaalada Addis Ababa ayaa ku soo beegmaya maalmo un ka dib markii uu heegan sare geliyay ciidamada ammaanka ee wadanka , xasilooni darro ka jirto qaybo ka mid ah gobolka awgeed.
Mr. Kenyatta ayaa horay ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Itoobiya inay ka heshiiyaan arrimaha ay isku hayaan.