IGAD oo war ka soo saartay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya

0
548

Bayaan ka soo baxay urur goboleedka IGAD oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray warbaahinta Star ayaa lagu sheegay in xoghayaha fulinta ee ururkan Dr. Workneh Gebeyehu uu dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ku bogaadinayo sida ay ugu guulaysteen soo gabagabeynta doorashada xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya.
Qoraalka waxaa lagu amaanay hoggaanka dowladda Soomaaliya ,hay’adaha iyo dhammaan dhinacyada ka qayb qaatay arrinkan.
Dr. Gebeyehu ayaa saamileyda siyaasadeed ugu baaqay inaysan isbeddel niyadeed sameyn oo ay xaqiijiyaan in codeynta golaha shacabka ay u dhacdo si la mid ah tan senate-ka iyadoo aan dib dhicin.
IGAD ayaa bayaankeeda ku sheegtay in geeddisocodka doorashooyinka ee Soomaaliya oo la soo gabagabeeyo ay fursad u siinayso shacabka inay diiradda saaraan howlaha qaran dhiska , nabadda , horumarka dhaqaale iyo xasiloonida.