NISA oo fashilisay miinooyin la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo

0
427

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku warramaysa in ciidamada ammaanka gaar ahaan saraakiisha NISA ay howlgal ballaaran ka fuliyeen gudaha iyo nawaaxiga degmada Deyniile.
Howlgalka ayaa laga sameeyay Oodweyne oo la sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen miinooyin uu qorshu ahaa in shacabka lagu dhibaateeyo.
Waxay ciidamadu xuseen inay ku guulaysteen inay miinooyinka halkaasi ka soo saaraan si shacabka loo badbaadiyo.
Saraakiisha ayaa dhanka kale aad ugu mahadceliyay dadka deegaanka oo la soo xiriiray laamaha sirdoonka caasimadda, kuna soo wargaliyey miinadan ay kooxdu dhulka ku duugeen.