Miguna Miguna oo wacad ku maray inuu dalka dib ugu soo laaban doono inkasto ay jirto digniin cas

0
423

Qareenka labada mar dalka laga tarxiilay Miguna Miguna ayaa wacad ku maray inuu dib ugu soo laaban doono Kenya, inkastoo codsigiisa maxkamadda sare ee ahaa inay meesha ka saarto digniinta cas ee ka hor istaageyso inuu ku soo noqdo wadanka ay laashay.
Bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee shalay ayuu ku sheegay inuusan ka laaban doonin go’aankiisa ahaa inuu dalka imaado toddobaadka dambe ee 16-ka bishan.
Waxaa uu sheegay inuu horay u haystay amar maxkamadeed kaas oo garsoorayaasha kala ah Chacha Mwita iyo Weldon Korir ay dowladda ku amreen inay fududeyso dib ugu soo laabashadiisa dalka qareen Miguna Miguna.
Waxaa uu intaa ku daray in dib ugu laaban doono maxkamadda haddii ay dhacdo in mar kale laga hor istaago inuu dalka soo galo.
Mr. Miguna, ayaa dalka laga tarxiilay bishii Saddexaad ee sanadkii 2018-kii, bilo ka dib markii uu hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga u dhaariyay madaxweynaha shacabka Kenya.
Shalay ayay ahayd markii garsooraha maxkamadda sare Hedwig Ongudi ay sheegtay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in laga mamnuucay inuu dalka ku soo laabto.
Waxaa ay intaa ku dartay in Miguna Miguna ay ahayd inuu caddeeyo jiritaanka digniinta cas ee ka hor istaageyso inuu ku soo noqdo wadanka.
Miguna ayaa ku doodaya in dowladda ay soo saartay digniino ku socoto qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha oo kala ah Lufthansa iyo Air France oo la filayay inay 16-ka bishaan soo caga dhigtaan gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA iyaga oo sida qareenka.
Waxaa uu sheegay in shirkadahaasi ay u xaqiijiyeen jiritaanka digniinta cas ee xannibaya safarkiisa Kenya.