Dowladda dhexe ayaa xarigga ka jaraysa dhismaha fasallo cusub oo kor u dhaafaya 11,000 oo laga hirgelinaya ugu yaraan 7,000 oo ka mid ah dugsiyada wadanka.
Waxay tani qayb ka tahay fulinta amarkii madaxweyne Uhuru Kenyatta ee maalintii halyeeyada.
Wasaaradda tacliinta ayaa dadaal ku bixinaysa sidii loogu guulaysan lahaa dhaqangelinta manjahka cusub ee waxbarashada ee CBC si ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ugu gudbaan dugsiyada sare.
Waxaa dalka ka jiro gaabad dhanka fasallada waxbarasho oo ah ugu yaraan 20,000 balse wasiirka wasaaradda tacliinta Prof. George Magoha ayaa sheegaya in la dhisi doono 11,578.
Mashruucan waxaa dowladda dhexe uga baxaysa 9 bilyan oo shilin.
Ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi bari ayaa laga dhisi doonaa 42 fasal oo hor leh halka Marsabit tiradan ay tahay 38.