3 qof oo loo xiray ka ganacsiga daroogada

0
356

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex eedeysanayaal oo loo haysto inay ka ganacsadaan daroogada.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Swalehe Yuusuf Axmed, Suleiman Salim Kaingu iyo Susan Mukonyo Mutuku.
Waxaa dhammaan laga soo qabtay xaafadda Kikambala ee ismaamulka Kilifi gobolka xeebta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Axmed iyo Kaingu la qabtay iyagoo sita nooca daroogada ee xashiishka oo hal kiilogaraam ah.
Qiimaha maandooriyahan ayay laamaha ammaanka ee dalka ku sheegeen in ka badan 3 milyan oo shilin.