Wafuud Maraykan ah oo maanta Muqdisho gaaray

0
826

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Mareykanka gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.
Wafdigaan oo sida la sheegayla socday laba diyaaradood ayaa ka degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Gudaha Garoonka Aadan Cade Kulan gaar ah kula yeeshay Wafdiga Maraykanka ka socday waxana Wafdiga ka mid ah Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.
Warar ayaa sheegaya in kulanka looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, is marin waaga ka taagan doorashada iyo taageerada Mareykanku siiyo Soomaaliya.
Sidoo kale Wararka intaas kusii daraya in kulanka ay ka qeyb galayaan Diblomaasiyiin ka kala socda dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka, mana jirto faah faahin intaas ka badan oo laga helay Kulankaan.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa horey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay xal buuxa ka gaaran doorashada dalkaSoomaaliya ka dhaceysa, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara qalalaaso siyaasadeed.