William Ruto oo laga dalbaday inuu xaqiijiyo in uu aqbali doono natiijada doorashada guud

0
370

Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ka dalbaday inuu kenyaanka u xaqiijiyo in haddii sanadka soo socdo looga guulaysto tartanka madaxtinimo uu aqbalaya natiijada codeynta.
Sifuna ayaa hoosta ka xarriiqay in walaaca ay xulafada Ruto ka muujinayaan kaalinta wasiirrada qaar ay ku leeyihiin u diyaar garowga doorashada ay tahay caddeyn hor dhac oo ay su’aal ku gelin karaan natiijada ka soo bixi doonto codeynta sanadka 2022-ka.
Tani ayaa timid ka dib markii siyaasiyiintan taageersan madaxweyne ku xigeenka dalka ay sheegeen in wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i iyo dhigiisa isgaarsiinta Joe Mucheru ay u ololeynayaan madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Hasa ahaate William Ruto ayaa horay u sheegay in hadii si cadaalad ah loogaga adkaado uunan muran gelin doonin natiijada isagoo Raila Odinga ka dalbaday inuu mowqifkiisa arrinkan ku aaddan cadeeyo.