Maxkamadda sare oo soo saartay amar ka dhan ah KEMSA

0
350

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay go’aan si ku meel gaar ah loogu hor istaagayo in dib u habeynta howlaha maamulka soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA ay ku lug lahadaan militariga iyo saraakiisha waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS.
Go’aankan ayaa shaqeynaya inta laga dhageysanayo dacwad uu gudbiyay ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU).
Waxaa amarkan ku dhawaaqay garsoore Ocharo Kibera oo ka howlgalo qaybta shaqada iyo shaqaaleysiinta.
Go’aankan ayaa sidoo kale maamulka KEMSA ka mamnuucay inuu shaqada ka joojiyo howlwadeenadiisa ilaa iyo inta dacwadda la hor dhigay maxkamadda laga soo gabagabeynaya.
KMPDU ayaa ku doodaysa in tallaabada uu ku dhawaaqay guddiga maamulo KEMSA ay shaqo la’aan u horseedi karto in ka badan 900 oo howlwadeeno ah.