DHAGEYSO:Duqa Muqdisho oo digniin u diray shakhsiyaadka dhulka dowladda booba

0
467

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamad Cumar Filish ayaa sheegay in maamulkiisa iyo kan dowladda dhexe ee Soomaaliyeed aysan marna ogholaaleyn in hal mitir oo dhulka dowladda ka mid ah la boobo ama ay dad gaar ah si shakhsi ah uga faa’iidaystaan.
Waxaa uu sheegay inay markasta ka shaqaynayaan danta guud, isagoo baaq u diray shaqsiyaadka ku howlan falalka sharci darada ah.