Guddoomiyaha aqalka sare iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo arrimaha doorashada ka wada hadlay

0
392

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Sheekh Shariif Sh Axmad ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Cabdi Xaashi ayaa waxaa ay uga wada hadleen Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sh Shariif ayaa Senatar Cabdi Xaashi u sheegay inay muhiim tahay dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland oo dhawaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho, lana doortay Xildhibaannadii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo ay hakad ku jirto doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland, xilli la doortay labadii Xildhibaankii ee ugu horreeyay oo kala ahaa Mahdi Maxamad Guuleed Khadar ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Biixi Iimaan Cige, iyadoo ay xusid mudan tahay in la hakiyey natiijada doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed.