Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in waalidkii uu canuggiisa gubo dugsi laga qaadi doono qarashaadka ku baxaya dib u dhiska xaruntaasi.
Ka dib markii ay kordheen dhacdooyinka xarumaha waxbarashada ee dabka la qabadsiinaya ayay wasaaradda tacliinta shaacisay in ardayda laga billaabo 19-ka bishan ay aadi doonaan fasax maalmo kooban ah.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in dhammaan dugsiyada ilaa iyo hadda la gubay qarashaadka laga qaadi doono waalidiinta .
Waxaa uu ku celceliyay in waalidku ay mas’uuliyad ka saaran tahay inuu wanaajiyo habdhaqanka canugiisa.
Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay marka la eego dhacdooyinka sida ay isku soo tarayaan , inuu jiro qorsho la doonayo in dhaqaale ahaan looga faa’iidao dhibaatadan maadaama xarumaha gudbtay dib loo dhisi doono.
Home Wararka Kenya Wasiirka waxbarashada oo sheegay in waalidiinta ay bixinayaan qarashaadka dugsiyada la gubo