Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamad Xijaar ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya ay bilaabeen qorsho looga hor taggayo dadka waxyaabaha dhaqan xumada ah sameeynaya.
Waxaa uu tilmaamay in Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ay kusoo kordheen dhallinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, sidoo kalena isticmaalaya daawooyin maanka doorinaya kuwaas oo uu sheegay inay tahay arrin aan la qaadan karin.
Ugu dambeyn Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qorshaha ka hor tagga falalkan dhaqan xumada iyo isticmaalka maandooriyaha ay kala shaqayn doonaan qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda, sida Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Warkaan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli sanadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho la sheegayay inay kusoo bateen dhallinyaro sameeynaya waxyaabo aan dhaqan ahaan wanaagsanayn, islamarkaana qaarkood ay isticmaalayaan waxyaabaha maanka dooriya.