Ururka dhakhaatiirta dalka oo ku baaqay in la hakiyo dib u habeynta maamulka KEMSA

0
363

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa soo jeediyay in aan lagu tallaaba qaadin dib u habeyn la sheegay in lagu sameynayo maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA.
Xoghayaha guud ee ururkan Dr. Davji Atela ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay lagama maarmaan tahay in wada hadallada laga qayb geliyo dhammaan saamileyda dhanka caafimaadka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii guddiga maamulo KEMSA loo oggolaado inuu dib u habeyn sameeyo ay shaqo la’aan ku dhici doonto howlwadeeno badan.
Maamulka KEMSA ayaa horay loogu eedeyay inuusan sida habboon u maareyn dhaqaalihii iyo agabkii loogu tala galay la tacaalidda cudurka COVID19 waxaana soo baxay eedeymo ah inay jiraan shakhsiyaad ka macaashay qandaraasyo ay KEMSA bixisay.
Dhakhaatiirta Kenya ayaa dhanka kale dowladda dhexe iyo ismaamullada ugu baaqay inay bixiyaan lacagaha deymaha ah ee uu ku yeeshay maamulka KEMSA.
Deymahan ayaa dhan 3.9 bilyan oo shilin waxayna tani u dhigantaa boqolkiiba 85 ee miisaaniyaddii maamulkan loo qoondeeyay 2020-2021-ka.