Midowga Yurub oo taageero u muujiyay jasiiradda Taiwan

0
433

Wafdigii ugu horreeyay oo rasmi ah kana socda baarlamaanka Midowga Yurub ee gaaray jaasiradda Taiwan ayaa maanta waxay sheegeen in Jasiiradaasi aysan kaligeed ahayn iyagoo ku baaqay tallaabooyin geesinimo leh oo lagu xoojinayo xiriirka Taiwan iyo Midowga.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay Taiwan wajahayso cadaadis sii xoogaysanaya oo uga imaanaya dhanka wadanka Shiinaha.
Jasiirada Taiwan oo aan xiriir rasmi ah oo diblomaasiyadeed la lahayn wadamada Yurub marka laga reebo Jamhuuriyadda yar ee Vatican City waxay aad u danaynaysaa inay sii xoojiso xiriirkeeda xubnaha Midowga Yurub.
Booqashada wafdiga ayaa imaanaysa xili Shiinuhu sare u sii qaaday cadaadiska dhanka milatariga ah ee uu Taiwan ku hayo oo xitaa ay ku jiraan howlgalo soo lalaabtay oo ay diyaarahada dagaalku ka fuliyeen meelo u dhow Taiwan oo isku aqoonsan jamhuuriyada dimuqraadi madax banaan halka ay xukuumada Beijing ku andacoonayso inay dhulkeeda ka mid tahay sidoo kalena ay suuragal tahay inay awood ku maamusho.
Raphael Gluckmann oo ah xubin Faransiis ah oo baarlamaanka Yurub ka tirsan ayaa sheegay inay Taiwan geeyeen fariin fudud oo cad muujinaysana inay garab taagan yihiin.