Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qayb galay munaasabad loogu dabaaldeggaya sanadguurrada 28-aad ee aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliland ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan nabadda iyo hormarka Soomaaliland.
Muuse biixi ayaa ugu horreyntii ka hadlay dilalka ciidamada amaanka loo gaysto iyo shilalka gaadiidka ee ka dhaca deegaannada Soomaaliland.
Waxaa uu sheegay inay artimahaasi yihiin kuwo u baahan in xal kama dambays ah loo helo.
Waxaa uuna Jaamacadaha ugu baaqay inay daraaseeyaan waxa sababa shilalka gaadiidka ee Soomaaliland ku badan.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ku dheeraadhay ka hadalka arrimaha la xiriira nabadda, isagoo sheegay in Soomaaliland hadda ku jirto nabad taban oo ah in dadku aysan colaad qabin balse ay waxyaabo kale oo badan tabanayaan sidoo kalena qorshaha xukuumaddiisu uu yahay in Soomaaliland oa gaarsiiso nabadda Togan oo ah inuu qofkasta si dhab ah ugu qanacsan yahay nimaadka jira uuna helayo waajibaadkiisa dastuurka iyo diinta islaamku u baneeyeen.
Waxaa uu sheegay in dhammaan artimahaas lagu gaari karo midnimo iyo inay culimada,madax dhaqameedka iyo siyaasiintu kaalintooda qaataan wuxuuna ka codsaday inay bulshada ku wacyigaliyaan muhiimada nabadda.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in gobolka geeska Africa uu yahay meelaha caalamka oo dhan ay dhibaatooyinka ugu daran ka dhacaan si wayna ay u saamaysay isbeddelka Cimilada, wuxuuna ugu baaqay inay nabad, wada jir iyo iskaashi ku wada noolaadaan dadyowga geeska ku nool si ay uga miradhaliyaan maslaxooyinkooda Soomaaliland na ay diyaar u tahay arrintaas.
Ugu dambayntii madaxweynaha Soomaaliland ayaa ka hadlay rarintii todobaadkaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada maamulka Puntland ay ku dalbadeen in Soomaaliland lagu daro liiska waxa loogu yeero Argagaxisada.
Madaxweyne Biixi ayaa ka sheegay munaasabad lagu xusayay Sannad Guurada 28-aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Somaliland inay layaab ku noqotay hadalka kasoo yeeray Golaha Wakiilada Puntland, sidoo kalena aysan garaneyn sababta ku kaliftay.
Wuxuu tilmaamay in Soomaaliland ay ka Shaqeyneyso sidii dadka Soomaaliyeed ay u heshiin lahaayeen, sidoo kalena ay u duceeynayaan islamarkaana aysan Puntland ka fileyn warkaas uuna yahay meel ka dhac.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sheegay in warka kasoo yeeray Golaha Wakiillada Maamulka Puntland uusan ahayn mid ay la qabaan Shacabka deegaannada maamulkaas ku nool wuxuuna madaxda Puntland ka codsaday inay nabad ku wada noolaadaan maadaama ay yihiin dad aan kala maarmi karin daris ah oo hal cadow leh.
Hadalkii dhawaan kasoo yeeray Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa uu hadal heyn balllaaran ka dhex abuuray gudaha Maamulkaas, iyada oo dadka qaar siyaabo kala duwan ay uga hadleen.