Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay 239 oo maalitii isniinta ahayd doorashadiisu ka dhacday Xarunta Tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gen Kaahiye looguna doortay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.
Guddiga ayaa qabtay dacwad uu u gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisgaasi markii hore ku fadhiyay, waxaana la faray Guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2-dii bishan inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwadda laga soo gudbiyay.
Musharrax xildhibaan hore ahaa Xuseen Carab Ciise ayaa dacwadaan u gudbiyay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya asagoo guddigu Gudanaaya Waajibaadkisa Shaqo ee loo igmadey ayuuna faray dhamaan dhinacyada ay doorashadu qusayso inay waajib tahay in xal laga gaaro cabashada jirta.
Guddoomiye kuxigeenka Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Maxamad Ibraahim Barre ayaa sheegay inay bilaabeen baarista kursigaas dacwadda looga soo gudbiyay.
Mudane Barre oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muddo toddobaad ah ay kusoo bandhigi doonaan natiijada baarista dacwadda kursigaas ee loo gudbiyay.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa maalinkii Isniinta ee toddobaadkan ayaa loo doortay kursigaan hadda ay eedu ka soo noqotay waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.
Kursiga hadda dacwada laga gudbiyay ayuu nambarkiisu yahay 239 waxaana tartankii Isniinta dhacay aan ka qaybgalin xildhibaan Xuseen Carab Ciise wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya ee isagu horay ugu fadhiyay kursigaan.