Ururka qareenada dalka ee LSK ayaa walaac ka muujiyay maqnaanshaha garyaqaan Prof. Wilson Xasan Nandwa iyo macaamilkiisa Elgiva Bwire oo dhammaantood dhawaan la waayay.
Bayaan ay soo saartay madaxa fulinta ee ururka LSK Mercy Wambua ayaa maqnaanshaha qareenka ku tilmaantay mid khatar ku ah sharciga xuquuqaha.
Prof. Xasan Nandwa ayaa xabsiga ka soo siidaayay Elgiva Bwire Oliacha oo muddo 10 sano ah ku jiray xabsiga Kamiti Maximum Prison islamarkaana loo haystay eedeymo la xiriira argagixisanimo.
Waxaa siideyntiisa ka dib afduubtay dabley aan la garanayn iyadoona ka dib la soo sheegay in uu xuriyaddiisa dib u helay.
Mr. Nandwa ayaa asna la waayay wax yar uun ka dib markii uu tagay saldhig boolis ah.
Ururka qareenada dalka ee LSK ayaa sheegay inay iska caddahay in Prof. Nandwa la afduubay intii uu ku guda jiray waajibaadkiisa shaqo.
LSK ayaa sheegtay in Mr. Nandwa uusan gelin wax dambi ah marka loo eego inuu qof u doodayay islamarkaana ay waajib ka saaran tahay inuu qaado dhammaan noocyada kiisaska la xiriira sharciga.
LSK ayaa ka codsatay taliyaha booliska ee dalka, agaasinka waaxda dambi baarista ee DCI-da iyo maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA inay dedejiyaan baaritaan arrinkan la xiriira si maxkamad loo soo taago kuwa falkan ka dambeeyo.