Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa gaashaanka u daruuray eedeymo uga yimid qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed oo ku dhaliilay inuu taageero u muujinayo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku dooday in Matiangi iyo dhigiisa wasaaradda isgaarsiinta Joe Mucheru ay qayb ka yihiin u ololeynta Raila.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay inuu gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ah sugidda ammaanka dalka.
Fred Matiangi ayaa hoosta ka xarriiqay in dhaliilaha loo jeediyay aynan sal iyo raad lahayn sidaas awgeedna ay tahay in aan la qaadan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in musharrax kasta u xor u yahay ololihiisa siyaasadeed balse saraakiisha dowladda aan marnaba laga hor istaagi karin xaqiijinta xasiloonida wadanka
Waxaa arrinkan sidoo kale ka hadlay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho oo xusay in aan marnaba la cabsi gelin karin