59 gabdhood oo arday ah islamarkaana wax ka baranayay dugsiga sare gabdhaha ee Buruburu ee caasimadda dalka ee Nairobi ayaa lagu daaweynayaa mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaala madaxda wadanka.
Tani ayaa kusoo aadeyso ka dib markii uu dab ka kacay mid ka mid ah qolalka jiifka ee dugsigaasi abaare 5-tii galabnimo ee shalay.
Waxaa sidoo kale isbitaalka laga saaray 30 arday oo kale ka dib markii xaaladooda caafimaad ay wanaagsanaatay.
Taliyaha booliska ee xaafadda Buruburu Francis Kamau oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in ardayda isbitaalka loola cararay ay neefsashada ku adkaatay.
Muuqaallo laga soo duubay goobta uu dabka ka kacay ayaa la arkayay arday badan oo ku lebisan dirayska iskuulka oo ka boodaya dhismaha dugsigaasi.
Dabkan ayaa la sheegay inuu bilowday xilli ay ardayda ay ku jireen goobta madadaalada ee iskuulka abaare 4:30 galabnimo ee shalay, halka qaar ay hurdayeen.
Dabka ayaa sidoo kale aan la ogeyn waxa sababay, waxaana wararku ay sheegayaan in aysan jirin wax khasaare ah dhawaac ah oo ka dhashay dabkaasi.
Dhanka kale xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Makadara ee ismaamulka Nairobi George Aladwa, ayaa ugu baaqay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iyo booliiska in ay baaraan waxa sababay dabka ka kacay iskuulka.
Waxaa uu sheegay in dugsigani uu yahay kii saddexaad ee sanadkan gudihiisa uu dab ka kaco ee deegaanka asaga laga soo doortay.
Mr. Aladwa ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in wax laga qabto arrinkan.