Madaxda xisbiyada siyaasadeed ee ANC, Wiper , KANU iyo Ford-Kenya ee kala ah Musalia Mudavadi , Kalonzo Musyoka , Gideon Moi iyo Moses Wetangula oo shalay ololahooda siyaasadeed geeyay ismaamulka Kiambu ayaa sheegay inaysan jirin cid ku khasbi karto in sanadka 2022-ka ay taageeraan musharrax madaxweyne oo gaar ah.
Mas’uuliyiintan oo horay mid kasta uu sheegay inuu u tartami doono hoggaanka ugu sarreeya wadanka ayaa ugu dambeyn ku midoobay isbeheysiga OKA.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay weli sameynayaan wada tashiyo dhinacyo badan oo ay ku soo xulanayaan musharraxa ku matali doono loolanka madaxtinimo.
Xilli ay isku soo bax siyaasadeed ku qabteen xaafadda Githurai ayay, siyaasiyiintan sheegeen in haddii mid ka mid ah la doorto ay xallin doonaan shaqo la’aanta dhallinyarada.
Waxay intaasi ku dareen inay yareynayaan qiimaha canshuurta boqolkiiba 50 sidoo kalena muddo labo sano gudahood ah ay ku gudayaan deymaha shisheeye ee lagu leeyahay dowladda Kenya.
Madaxdan ayaa ku celceliyay in go’aanka ugu dambeeya ee cidda talada dalka kala wareegaysa Uhuru Kenyatta ay qaadan doonaan codbixiyeyaasha.
Waxay xuseen in aynan diyaar u ahayn in siyaasad ahaan la isku toosiyo.
Hadallada mas’uuliyiinta isbeheysiga OKA ayaa ku soo beegmaya ka dib markii ay horay u soo baxday hadal hayn ah in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ku howlan yahay inuu ku qanciyo sidii ay garab u siin lahayeen madaxa xisbiga ODM Raila Odinga in kastoo uu madaxweynaha taasi beeniyay.