Diiwaangelinta ergada kuraasta golaha shacabka ee gobollada waqooyi oo la bilaabay

0
422

Guddiga Maamulka ee doorashada Kuraasta gobollada waqooyi ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta bilaabay Diiwaangelinta ergooyinka kuraasta Golaha Shacabka ee tirsigoodu yahay Hop 239 iyo Hop 237, Diiwaangelinta ayaa si habsamiya uga socota xarunta Villa Rosa ee magaalada Muqdisho.
Iyada oo ay Barbar socoto qabashada Codsiga araajida musharrixiinta ee kuraasta kor ku xusan.
Maalinta berrito ah waxa tababarkii la siin doona Ergooyinka codaynaya.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku sugan xarunta Diiwaan gelinta ergada iyo musharixiinta, iyagoona xaqiijinaya dhamaan hanaanka iyo Habraacyada Doorashada Golaha Shacabka.