Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay dagaalka Guriceel

0
373

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ee dalka Soomaaliya, Axmad Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado dagaalka ka socda magaalada Guriceel, isagoo ku eedeeyey mas’uuliyada dagaalkaasi ururka Ahlu Sunna.
Waxaa uu tilmaamay in ururka Ahlu Sunna, ay u isticmaaleen magacani si aan sax ahayn, oo magacani ay wada leeyihiin ummada Soomaaliyeed.
Dhanka kale, wuxuu sheegay inay gargaar u fidinayaan dadka ay dhibaatada kasoo gaartey dagaalka Guriceel.
Waxaa uu ka codsadey jaaliyadaha dibadda ee reer Galmudug inay lasoo gaaraan gargaar degdeg ah dadka ku waxyeeloobay dagaalka ka socda magaalada Guriceel.