Ururrada dhallinyarada oo siyaasiyiinta ugu baaqay inaysan ballanqaadyo been ah u samayn

0
440

Hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinayarada wadanka ayaa ku boorriyay musharraxiinta u hanqal taagaya qabashada hoggaanka dalka sanadka 2022-ka inay joojiyaan ballanqaadyada aan laga dhabayn doonin ee ay da’yarta u samaynayaan.
Siyaasiyiinta ayay kula taliyeen inay ugu horreyn ka dhabeyaan ballanqaadyadoodii hore.
Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah madaxda dhallinyarada oo la hadlay warbaahinta, ballanqaadyadan ayaa ah kuwo aan waligood la fulin balse keliya la sameeyo xilliyada doorashooyinka.
Charles Lemain oo ah guddoomiyaha ururka KANU YOUTH ayaa sheegay in hadda la joogo wakhtigii ballan qaadku noqon lahaa mid dhabooba ayna hoggaamiyeyaasha kala hadli lahaayeen maslaxada da’yarta wadanka maadaama hoggaanka dowladda laga rabo inay fuliyaan ballanqaadyadooda iyagoo aan kuwo kale ku darin.
Ballanqaadyadan ay dhallinyaradu ku tilmaameen kuwo been abuur ah ayay inta badan siyaasiyiintu da’yarta u sheegaan waxaana inta badan loo fasirtaa inay tahay xeelad ay madaxdu u adeegsadaan inay ku kicinyaan shucuurta dadweynaha si kaliya ay codad uga helaan xilliga doorashada.
Hoggaamiyaasha ururrada dhallinyarada ayaa siyaasiyiinta u soo jeediyay inay dajiyaan oo ay fuliyaan siyaasado mug leh oo lagu hagayo hoggaanka dalka kuwaasoo daryeel wanaagsan u noqon kara shacabka kenyaanka ah hadda iyo mustaqbalka dambe intaba.
Madaxda siyaasadeed ayaa xilliyada doorashada isku howla inay galaangal ku yeeshaan arrimaha dhallinyarada wadanka maadaama la aaminsan yahay inay da’yartu yihiin kuwo kaalin weyn ku leh go’aan qaadashada dhanka codeynta.