Ingiriiska:Qayb ayaan ka nahay baaritaanka askarigeena haweeneyda ku dilay Kenya

0
543

Danjiraha boqortooyada Ingiriiska ku matasho dalkani Kenya Jane Marriott ayaa sheegtay in dowladda dalkaasi aynan marnaba ka daali doonin inuu caddaalad helo qoyska haweeney sanadkii 2012-kii uu magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia ku dilay askari Britain u dhashay.
Haweeneydaasi ayaa lagu magacaabi jiray Agnes Wanjiru.
Mrs. Marriott ayaa sheegtay in toddobaadyada soo socdo saraakiil sar sare oo militari ah ay ka imaan doonaan UK si looga wada hadlo dhacdadaasi.
Waxay intaasi ku dartay in ciidamadu ay qayb ka noqon doonaan baaritaanada ay wadaan kuwa dalka.
Danjiraha Ingiriiska ee dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay inay murugada la qaybsanayso qoyska ay ka baxday Agnes iyo si guud bulshada halkaasi ku nool.
Waxay kenyaanka u xaqiijisay in dowladeeda ay si buuxda gacan uga gaysanayso baaritaanada.
Marriott ayaa sheegtay in waaxda UK u qaabilsan baaritaanada gaarka ah ay baaritaano hor dhac ah sameysay sanadkii uu dilkaasi dhacay ee 2012 xilligaasi oo macluumaadka askariga lala wadaagay booliska Kenya.
Hasa ahaate sida ay xustay ma jirin codsiyo kale oo loo soo bandhigay xilligaasi.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii ciidamada dalka ay sheegeen inay baaritaanada dilkan ku aaddan ay soo gabagabeyeen balse hadda dib loo eegi doono.

Dibloomaasiyadda sare ee Ingiriiska ayaa dhanka kale sheegtay in ciidamadooda ay magaalada Nanyuki ka wadaan waxyaabo wanaagsan oo ay dani ugu jirto bulshada iyo dhaqaalaha dalka.
Hasa ahaate waxay tilmaantay in dilka Agnes Wanjiru uu caddeynaya inay jiraan arrimo u baahan in wax laga qabto.
Meydka Agnes Wanjiru oo xilligaasi ahayd 21 sano jir ayaa 9 sano ka hor laga dhex helay bullaacad kadib markii ay wada damashadeen askariga Ingiriiska.
Arrimahan ayaa soo cusboonaaday ka dib markii askariga uu qirtay inuu dilay haweeneydaasi oo lagu sheegay inay ka mid ahayd dad ka ganacsada jirkooda sida uu maanta daabacay wargeyska Sunday Times ee ka soo baxa Ingiriiska.