Ku dhawaad 5 milyan oo laga tallaalay COVID19

0
380

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa tirada shacabka ee ilaa iyo hadda qaatay daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 ku sheegtay 4.9 milyan oo qof.
Wasiirka caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ayaa xusay in boqolkiiba 5.2 ee dadka waawayn la siiyay tallaalka.
Mr. Kagwe ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay ku dadaalayso sidii caabuqa corona looga tallaali lahaa ugu yaraan 27 milyan oo qof.
Marka la eego ismaamullada dalka iyo sida ay shacabka ugu soo baxayaan qaadashada tallaalka waxaa ugu horreya dowlad deegaanka Nairobi oo dadka ka faa’iidaystay ay yihiin boqolkiiba 16.2.
Ismaamullada ugu hooseeya dhanka tallaalka oo lagu sheegay wax ka yar boqolkiiba hal waxaa ka mid ah Lamu, Mandera, Wajeer, Garissa, iyo Marsabit .