Dabley hubaysan oo maxaabiish dhowr ah ka sii deysay xabsi ku yaalla Nigeria

0
471

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday xabsi ku yaalla koonfur galbeed ee dalka Nigeria, iyagoo siidaayay tobaneeyo maxaabiis ah, sida uu sheegay sarkaal.
Olanrewaju Anjorin, oo ah afhayeenka xarunta asluubta ee gobolka Oyo, ayaa maanta u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dableyda ay soo weerareen xarunta lagu hayay maxabiista wakhti dambe oo xalay ah.