Waxaa maalintii saddexaad ku xiran qaar ka mid xabsiyada magaalada Hargeysa arday muddaharaad ka samaysay aafaafka xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee jamhuuriyadda iskeed madaxa bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Ardaydan ayaa ka cabanaysay shaqo joojin wasaaraddaasi ku samaysay maamulahoodii dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Faarax Oomaar.
Dugsiga Faarax Oomaar ayaa ka mid ah dugsiyadda dowladda ee hoos taga wasaaradda waxbarashada Somaliland ee ku yaalla Magaalada Hargeysa.
Dad kala duwan oo ay ka mid yihiin xisbiyada mucaaradka, waalidiintii ardaydaas iyo dad kaleba ayaa ka dalbanayay dowladda in ardaydaas xorriyadoodii loo soo celiyo.
Ma aha markii u horraysay ee arday muddaharaad ka sameeyaan magaalada Hargeysa, dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah ardayda dugsiga Nuuradiin ay sidaas oo kale sameeyeen iyaga ka cabanaya maamulka dugsigaas.