DHAGEYSO:Xaafado ka tirsan Garissa oo biyo helay

0
694

Maamulka wakaalada biyaha Garissa ee Gawasco ayaa Jimcaha maanta ah daaha ka qaaday in ay soo afjareen biyo la,aan sadexdii bil ee la soo dhaafay ka jirtay ku dhowaad toban xaafadood oo xaafada ADC oo ka tirsan waaxda Galbeed una dhow dhanka wabiga Tana River ee ku aadan wadada dheer ee Sankuri Road oo isku xirta magaaladatan Garissa iyo degmada Balambala.
Afhayeenka wakaalada biyaha magaalada Mr Cumar Cabdulaahi Nuur Panadol oo ka hadlay madal lagu tijaabinayay laba ceel biyood oo laga qoday wabiga qarkiisa ayaa u mahad celiyay barasaabka Garissa isaga oo dhanka kale ka warbixinaya xaafada ka faa’ideysan doona.
Mr Cumar ayaa sidoo kale tilmaamay in howshaan uu door weyn ka qaatay madaxa guud ee dhanka maamulka mudane Yuusuf Cabdi Bare Sareeye.

Dhankooda qaar ka mid ah haweenka ku nool xaafadda ADC ayaa warbaahinta uga warbixiyay dareenkooda ku aadan biyo helidda.