Mudavadi oo ku booriyay Madaxweyne Kenyatta inuu bandawga ka qaado dalka

0
612

Hoggamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa ugu yeeraya Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu dalka qaado bandawga looga gol leeyahay xanuunka COVID-19.
Mudavadi, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xaaladaha COVID-19 ay hoos u dhaceen sidaasi awgeedna la joogo wakhtigii dowlada ay meeshaka saari lahayd bandawga habeenkii ee 10-ka habeenimo ila 4-ta aroornimo si loo badbaadiyo nololmalmeedka Kenyanka.
Hoggamiyaha ANC ayaa xusay in bandawga uu sii xaaladaha Kenyanka kaga sii darayo ayaga wajahayo caqabado dhanka dhaqaalaha ah.
Mudavadi ayaa hadalkan ka jeediyay Nairobi oo uu kula kulmay saraakiisha ANC.