Saraakiishii shaqada ku jirtay xili uu nin dambiila ah xabsiga ka baxsaday oo la haysto

0
555

Saddax sarakiil oo boolis ah oo shaqada ku jiray xiligii uu xasbiga ka baxsaday nin lagu tuhunsanaa inuu dilay carrur badan oo lagu magacaabo Masden Wanjala ayaa haatan wajahaya dacwad.
Aggasimaha dacwad soo oogida Noordin Haji ayaa amar ku siiyay xubinta arrimaha gudaha ee booliska IAU inay baaritaan ku sameeyaan Philip Mbithi, Precious Mwinzi iyo Boniface Mutuma Kamakia oo ka howlgalasaldhiga booliska Jogoo Road.

Saddaxdan oo lagu eedeynaya inay u fududeeyeen inuu wanjala xabsiga ka baxsado ayaa la qabtay, waxayna xala ku baryeen saldhiga booliska Capital Hill.

Waxay wajahayaan dembi ah inay caawiyeen inuu ka baxsado xabsi sharic ah isla markana ay ku fashilmeen shaqadii loo igmay taaso ka oso hor jeedo xeerka da,biyada iyo ciqaabtooda 124 iyo 128.

Wararku ayaa sheegaya in laanta booliska arrimaha gudaha oo u hor kacao sarkaal sare ay codsanayaan amar ay ku si haayaan saraakiisha mudda 14 maalmood ah si ay baritaanada dhameystiran.

Wanjala, oo 20 jir ah ayaa ka fakaday saldhiga booliska wadada Jogoo ee Magalada Nairobi shala, iyado aan la garanayn sida uu ku baxsaday.

Ninkan ayuaa dhawaan waxa uu shaaciyay inuu dilay in ka badan 10 carrur, oo uu ku dilay Ismamulada Nairobi, Bungoma iyo qaybo kale oo ka tirsan dalka.

Waxa uu qorshuhu ahaa in shalay maxkamada la soo taago, balse subixi ayaa la ogaaday inuu maqanyahay markii la tirakoobay dadka saldhiga lagu haayay.
Sarakaalka ku jiray shaqada ayaa hubiyay in Wanjala uusan joogin aabara 7-da aroornimo shalay. Waxayna ahayd inuu Arabacada shalay ka soo hor muuqdo maxkamada si uu u wajaho ila 13 dembi oo dil ah.
Tilyaha booliska Buruburu Francis Kamau ayaa sheegay in Wanjala uu baxsaday habeenka salaasada, iyada oo arbixno qaar ah ay sheegayaan inuu baxsaday wakhtigii cashada ama ka dib maadama ay koronto la’aani ka jirtay saldhiga intii u dhaxeysay 3-da galabnimo ila 8-da fiidnimo.

Wanjala ayaa markii ugu dambeysay la arkay 6-da Maqribnimo -7-da fiidnimo , Wuxuuna markas ku casheynaye xabsiga oo ay ku jireen 7 kale oo maxaabiis ah.
Tirakoob uu sameeyay mid ka mid ah sarakiisha booliska ayaa lagu ogaaday in Wanjala uusan ku suganayn saldhiga, balse dhamaan maxaabiistii kale ay joogaan.
Sarkalka booliska ayaa ku wargaliyay laba ka mid ah booliska oo shaqada ku jiray, waxayna u sheegen inaysan aqon u lahayn sida uu ku baxsaday maadama aysan jirin meel xabsiga laga jabiyay.
Xabsiga uu ku baxsaday ayaa waxay keentay su’aal ah , sidu nin qirtay inuu dilaa yahay kaga baxsaday saldhig boolis oo aad ay u ilaaliyaan sarakiil boolis ah oo hubeysan saacad walbana ay albaabka taaganyihiin.
Ka dib, Wanjala ayaa daaha ka qaaday dilalka qarsoon ee uu fuliyay ila lix sano, oo ka geystay in ka badan afar ismaamul halkasi oo kaligii dilay carrurta ,qaarkoodna uu kaga takhalusay asagoo adeegsanaya gacmahisa.

Wanjala ayaa la qabtay Bishii July Sanadkan asaga oo laga xiriirinayo laba carrur oo da’adoodu tahay 13 iyo 12 sano.

Ninkan ayaa horay ciidamada waaxda dembi baarista u xaqiijiyay inuu gorracay carrur badan dabadeedna ku aasaye keymaha iyo musqulaha.