DHAGEYSO:Dadka ku nool deegaamka ka tirsan gobolka mudug oo caafimaad daro ka cabanaya

0
454

Bulshada ku nool Deegaanka Ceeldibir ee Bariga Gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya ayaa cabasho xooggan ka muujinaya Caafimaad darro baahsan oo deegaankaas ka jirta.
Deegaanada fog ee miyiga bariga gobolka mudug ayaa laga soo sheegayaa inay meelaha qaar dadku u dhinteen kadib markii ay waayeen adeegyo caafimaad.
Xasan cali Xassan waa gudoomiyaha deegaanka Ceeldibir ee bariga gobolka mudug wuxuu sheegay in hooyo ka mid ahayd dadka deegaanka ay isku guurtay kadib markii ay adeeg caafimaad wayday mudo badana ay foolanaysay isagoo baaq u diray wasaarada caafimaadka maamulka galmudug iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta sidii deegaankaas adeegyo caafimaad looga hirgalin lahaa.