Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden iyo ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison oo khadka taleefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xaaladda ka taagan wadanka Myanmar.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada militariga ee dalkaas ay hoggaanka kula wareegeen qaab afgembi ah.
Labadan mas’uul ayaa sidoo kale wada-hadalladooda diiradda ku saaray sida dalalkooda ay iskaga kaashan karaan xallinta caqabadaha caalamiga iyo kuwa heer goboleed ah.
Dhibaatooyinkan waxaa ka mid ah la tacaalidda cudurka COVID-19,saameynta isbeddellada ku yimaado cimillada iyo in tallaabo sharciyeed laga qaado cidii ka dambeysay inqilaabkii militari ee Myanmar.
Arrimahan ayaa lagu xaqiijiyay bayaan ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo.