Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay awoodda dhaqaale ee Kenya.
Waxaa uu sheegay in dalka uu si shaki la’aan ah ugu socdo waddadii horumarka islamarkaana isbeddel weyn imaan doono haddii uu qabto hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Raila oo ololihiisa siyaasadeed ee hindisaha hiigsiga mideynta shacabka ee Azimio la Umoja ka sameeyay qaybo kala duwan oo ka mid ah deegaan baarlamaneedka Kamukunji ee magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad siin doono billowga isbeddelka dhaqaalaha dalka marka uu xukunka kala wareego madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ka dib doorashada guud sanadka dambe ee 2022-ka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inuu si gaar ah diiradda u saari doono hagaajinta hab nololeedka dadka caadiga ah ee Kenyaanka ah, xitaa sidii uu u ballanqaaday inuu dalka ku hagi doono mustaqbal leh barwaaqo waarto.
Mr. Odinga ayaa ku celceliyay ballanqaadkiisii ahaa in la hubin doono in qoys walba oo aan dakhli helin ay heli doonaan 6,000 shillin bil kasta hadii loo doorto madaxweynaha xiga ee dalka.
Madaxa xisbiga ODM ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay kuwa u maleeya in arrintan ay tahay mid aan dhaqangeli karin.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay inuu qayb ka ahaa qorsho horay wadanka looga hirgeliyay tacliinta dugsiyada hoose ee sida lacag la’aanta ah looga barto dugsiyada dowladda.
Raila ayaa cid kasta oo aan la dhacsanayn in ay suurtagal tahay in dowladda ay qoysaska danyarta ah bil kasta siiso 6,000 oo shilin u sheegay inay ka war sugaan inta uu uga xaqiijinaya qorshahan.
Waxaa uu tilmaamay in marka barnaamijkan lagu tallaabo qaado muddo hal sano gudihii ah ay ka faa’iidaysan doonaan ilaa 8 milyan oo qof.
“Waxaan idinka codsanayaa, dhallinyaro, inaad i garab istaagtaan, waxaa tihiin ciidankeyga, waxaan idinka codsanayaa inaad qaadataan kaarka codeynta” ayuu ugu dambeyn yiri hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.