Dowladda oo amarro ka soo saartay amniga Laikipia

0
594

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa cid kasta oo aan ka mid ahayn shacabka deegaanka ee meelaha ay ka socdaan howlgallada amni ee ismaamulka Laikipia ku amartay inay halkaasi iskaga guurto.
Amarkan ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqangalaya waxaana looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo xasiloonida gobolkaasi.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Fred Matiang’i ayaa sheegay in kastoo dowladda dhexe ay dadaalayso haddana dableyda inay carqaladeynayso dadaallada dib loogu soo celinayo xasiloonidii jirtay iyo wanaajinta waxyaabaha nolol ahaan ay ku tiirsan yihiin dadweynaha ismaamulka Laikipia.
Dableyda ayaa la sheegay inay ka faa’iidaysanayso saameynta abaarta ee ismaamullada dariska la ah Laikipia oo ay gaysanayso falal dambiyeedyo.
Dowladda ayaa amar ku bixisay in sare loo qaado howlgallada amni ee dowlad deegaankaasi ka socdo.
Sidoo kale waxaa halkaasi la geynayaa ciidamo gaar oo dheeraad ah iyo agab amni.
Dowladda dhexe ayaa dhanka kale howlgelisay talis gaar ah oo si dhow ula soconaya xaaladda amni ee Laikipia oo si joogto ah dib ugu eegis ugu sameyn doono howlgallada amni si loo cirib tiro dableyda.

Labadii bilood ee ugu dambeeyay waxaa ismaamulkaasi lagu dilay in ka badan 15 qof halka qiyaastii 400 oo qoysas ah ay barakaceen iyadoo boqolaal neef oo xoolo ah laga dhacay deegaanada hoose ee Ol Moran iyo Githiga .