Raila Odinga oo ballanqaaday inuu dhallinyarada 4 fursadood ka siinaya golaha wasiirrada

0
394

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ballanqaaday in haddii sanadka 2022-ka uu ku guulaysto xilka madaxtinimada wadanka uu dhallinyarada siin doono ugu yaraan 4 fursadood oo ah jagooyinka sare ee wasaaradaha.
Mr. Odinga ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu shalay magaaladatani Nairobi kulan kula qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada ka soo jeedo ismaamullada gobolka bartamaha dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu wax badan ka qaban doono awoodsiinta da’yarta.
Raila Odinga ayaa sheegay in xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha Kenya inuu qabtay shirar lagula talinayay dhallinyarada isagoo xusay in tani ay qayb ka noqon doonto siyaasadiisa.
Hoggaamiyaha xisbiga ODM ayaa tilmaamay in maadaama ugu yaraan boqolkiiba 70 ee dadweynaha dalka ay yihiin dhallinyaro in maamul kasta oo dowladeed laga doonayo inuu mudnaanta koowaad siiyo ka faa’iidaysiga kartidooda.