15 qof oo ku dhimatay roobab culus oo ka da’ay waqooyiga Shiinaha

0
544

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay roobab xoogan oo ka da’ay waqooyiga dalka Shiinaha
Roobabka culus oo ka da’ay Shiinaha ayaa waxaa uu sababay daadad saameyn ku yeeshay bulshada ku nool gobolka Shanxi ee waqooyiga dalka Shiinaha.
In ka badan 120,000 oo qof ayaa ka qaxay guriyahooda kuwaas oo ka cabsaday inay waxyeelo ka soo gaarto fatahaadaha ka dhashay roobka.
Gobolka Shanxi ee Shiinaha ayaa waxaa uu la kulmaya fatahaadihii ugu xuma iyadoona ay guriyo badan dumeen.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid ku nafwaysay roobabka ka da’ay waqooyiga Shiinaha.