Wasiirka batroolka dalka oo lagu ganaaxay 500,000 oo shillin ka dib markii uu ku guuldareystay inuu hor taggo baarlamanka

0
736

Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta ayaa ganaax dul dhigay wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta John Munyes.
Waxaa lagu ganaaxay inuu bixiyo lacag dhan 500,000 oo shilinka dalka ah ka dib markii uu ku guuldareystay inuu hor yimaado guddiga maaliyadda ee baarlamaanka si uu uga jawaabo su’aalo ku saabsan sare u kaca qiimaha shidaalka.
Mr. Munyes ayaa dhankiisa sheegay inuu u warqaad u qoray guddiga maaliyadda ee baarlamaanka, isagoo tilmaamay inuu ku sugan yahay wadanka Koonfurta Suudaan oo uu u joogo waajibaad shaqo oo rasmi ah.
Waxaa sidoo kale xubnaha guddiga la doonayay inuu ka soo hor muuqdo xoghayaha joogtada ee wasaaraddan Andrew Kamau.
Guddoomiyaha guddigan ahna wakiilka haweenka ee ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa sheegtay in dokumeentiyada ay hayaan ay muujinayaan in maraakiib shidaal sidday si ula kac ah loogu hakiyay dekadda magaalada Mombasa si qarashaad dheerad ah loogu bixiyo dib u dhacaasi.