Guddoomiyaha guddiga ganacsatada xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi Axmad Sheekh Cabdullahi oo ku magacdheer Xaaji Yare ayaa bulshada ugu baaqay in aynan maanta sameyn tallaabo ay kaga falcelinayaan go’aanka la filayo inuu ka soo baxo maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ee ku aaddan dacwadda badda taasoo u dhexeysa dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maanta si wayn loo sugi doono ammaanka xaafadda oo cidii iskudayda inay khalkhal geliso xasiloonida laga qaadaya tallaabo sharciyeed.
Xoghayaha guud ee guddiga ganacsatada xaafadda Islii Cumar Ibraahim Xuseen ayaa dhankiisa shacabka ku boorriyay inay mas’uuliyad shakhsiyadeed iska saaraan ilaalinta amniga maadaama haddii ay rabshad dhacdo ay saameyn ku yeelanayso dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee xaafadda