Wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Waranqara ee hoos tago deegaan baarlamaneedka Lafey ee ismaamulka Mandera Axmad Gaabnaan Cali ayaa ka hadlay abaarta daran ee ka jirto dowlad deegaankaasi iyo saameynta ka dhalatay ee dhanka waxbarashada iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Waxaa uu dhanka kale soo jeediyay in dowladda dhexe iyo midda ismaamulka Mandera ay dardargeliyaan gurmadka loo fidinayo shacabka ay abaartu ku sababtay culeyska nololeed.