Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa Maanta oo arbaco ah ka furmay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka, shanta Maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir, oo tiro laba jeer ah furitankiisu dib u dhacay.
Shirka ayaa waxaa looga arinsanayaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka Soomaaliya ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020 iyo sidii loo xalin lahaa khilafka mudada jira ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Madaxda Maamulada Puntland & Jubbaland.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug oo shirka Martigalinaysa, Puntland, Jubbaland,guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xalay ayuu qorsuhu ahaa inuu shirku furmo, hayeeshee dib ayuu u dhacay kaddib markii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay safar ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ay ka cudur daarteen, sababo la xiriira inay daalan yihiin.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa dhawaan shirkaasi iclaamiyay wuxuuna Sheegay Xiligaas inuu socon doono muddo saddex Cisho ah oo ka bilaabaneeysay 1-dii Bishaan Sadexda oo Maantadaan uu Furmay ku began.
Dhanka kale waxay u muuqataa inuu dib u dhac ku yimid qorshihii Madaxweynaha Jamhuuriyadu Baarlamaanka labadiisa Aqal uu khudbad u jeedin lahaa 5 bishaan February oo ku beegan maalinta jimcaha maadaam shirku dib u dhacay.
Dhamaan Madaxda ka qeyb-galeysa shirka ayaa jeedin doona khudbado kala duwan, waxaana sidoo kale la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan hadii heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka si xal loogu helo khilaafka hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ku horguduban oo sababay inay doorashadu dib u dhacdo.
Dhanka kale Mas’uuliyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ayaa Maanta waxay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho waxayna sheegeen inay qaadacsan yihiin shirka Maanta ka furmay Dhuusamareeb ayagoo Madaxweynaha Soomaaliya eedaymo u jeesdiyay.