16 qof oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ruushka

0
289

Wararka naga soo gaaraya dalka Ruushka ayaa sheegaya inay dhinteen 16 qof ka dib markii uu dhacay shil diyaaradeed.
Diyaaradda ayaa sidday shakhsiyaad adeegsado barashuudka looga soo dego hawada.
Wasaaradda xaaladaha degdegga ee dalkaasi ayaa laga soo xigtay in diyaaraddu ay ku burburtay bartamaha wadankaasi.
Diyaaradda oo ahayd The L-410 ayaa sidday 22 qof waxayna soo dhacday abaare 9:23 subaxnimo ee saacadda dalkaasi waxaana la doo badbaadiyay 6 qof oo rakaabka ka mid ahaa.