Raila Odinga oo ku baaqay in aan la dooran siyaasiyiinta musuqmaasuqa ku lugta leh

0
342

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in hoggaamiyayaasha ku lugta leh musuqmaasuqa aan loo oggolaan inay ka qaybgalaan doorashada guud ee sanadka dambe 2022-ka.
Waxaa uu sheegay in hoggaamiyayaasha qaarkood ay isku ekeysiinayaan badbaadiyaha shacabka, balse aysan ahayn kuwii la filayay inay ka soo baxaan waajibaadka saaran.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa intaa ku daray in Kenyaanka ay marar badan la kulmaan jahawareer dhanka dhaqaalaha ah, taas oo uu aaneeyay in madaxda qaar ay lunsanayaan kheyraadka dadweynaha.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu ololahiisa ku aadan hindisahiisa loogu magac daray Azimio La Umoja, oo loola jeedo hiigsiga mideynta uu geeyey gobolka galbeedka dalka gaar ahaan ismaamulka Vihiga.
Mr Odinga ayaa wali go’aan rasmi ah ka gaarin inuu u tartamayo jagada ugu sarraysa ee dalka balse waxaa uu sheegay inay wax badan u harsan yihiin sidii uu kenyaanka ugu adeegi lahaa.