DHAGEYSO:Shirka wadatashiga Soomaalida oo maanta furmaya

0
595

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug in uu ka furmo shirka wadatashiga Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir.
1-dii Bishaan ayuu qorsuhu ahaa in uu shirku furmo, hayeeshee dib ayuu u dhacay maadama madaxda qaar aysan tegin Xili hore.Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ayaa Xili danbe oo shalay ah dhuusamareeb gaaray.
Magaalada Dhuusmareeb ayaa waxaa xalay ku hoyday Madaxweynaha Qaranka, Ra’iisul Wasaaraha, dhamaan hogaamiyeyaasha Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirka wadatashiga Hogaamiyeyaasha Soomaalida ee Dhuusamareeb waxaa la iskula eegi doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020.
Sidoo kale waxaa shirka looga hadli doono khilaafka u dhaxeeyay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo hakiyay wada-shaqeynta labada dhinac.
Sidoo kale waxaa jiri doona kulamo gooni gooni ah oo ay yeelan doonaan Madaxda dowladda iyo Maamula Goboleedyada ku wada sugan Magaalada Dhuusamareeb si ay uga wada hadlaan xaaladda dallka.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faahfaahinaya Muhiimada shirkaan maanta Furmaya.

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan hadii heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka si xal loogu helo khilaafka hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.