Waan waan laga dhex bilaabay Ahlusuna iyo Galmudug
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo nabadeed oo lagu doonayo in si nabada gacanta dawladda loogu soo celiyo maamulka magaalada Guriceel uu halkaasi ka socdo.
Dhawr xidhibaan oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno ka tirsan maamulkii magaalada Guriceel ee Galmudug ayay wararku sheegayaan inay u dhaqaaqeen dhinaca magaaladasi si ay ula kulmaan saraakiisha Ahlu-Sunna ee Jimcihii qabsaday Guriceel, uguna qanciyaan inay si nabad ah maamulka magaalada ugu soo wareejiyaan maamulka Galmudug sida laga soo xigtay ilo wareedyo gobolka ku sugan.
Xildhibaannada waan waanta wada oo gaaraya illaa shan xubnood ayaa markoodii hore ka soo galay maamulka Galmudug dhinaca Ahlu-Sunna, waxayna ka codsadeen maamulka Galmudug in iyaga laga war sugo oo waqti la siiyo si xal nabadeed loogu helo xiisadda ka taagan Guriceel.
Dhinaca kale Dhuusamareeb ayay wararku sheegayaan inay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Dowladda Federaalka kuwaasoo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo Jimcihii ka baxday gacanta Galmudug ayna Ahlusuna la wareegeen.
Home Wararka Soomaaliya Dadaallo lagu xallinayo xiisadda u dhexeysa Galmudug iyo Ahlusunna oo la bilaabay